Digniin cusub oo kasoo baxday Sirdoonka ajnabiga ee ku sugan Xalane ayaa lagu sheegay in ay Al-Shabaab qorsheynayso inay 48-da saac ee soo socota ay qaraxyo ka fuliso magaaladda Muqdisho, oo dhawaan ay ka dhaceen weeraro ug u dambeeyay midkii Villa Rays, ee ku dhaw Villa Somalia 27kii November 2022.

Meelaha laga digay waxaa mid ah wadada dheer ee kasoo billaabato KM4 illaa Isgoyska Banaadir, oo ah mid mashquul badan xili walba, taasoo 29-kii October ka dhacay labo qarax oo 120 ku dhimatay.

Asxaabta sharaf leh ee ku sugan magaalada Muqdisho 48-saac ee soo socota waa in aad feejignaan dheeri ah muujisaan sida in aad adeegsataan agagaarka waddada caanka ah ee KM4 iyo inta u dhaxeeyaa Isgooysyada Soobe ilaa Banaadir.” ayaa lagu yiri Digniinta.

Waxay fariintan abuurtay dareen cabsi leh, iyadoo jidka KM4 illaa Banaadir lagu marayo si taxadir leh, iyadoo aan jirin talaabo ay Ciidanka qaadeen, oo lagu qaboojinayo quluubta shacabka Xamar.

Qaraxyadii ka dhacay magaaladda waxay reebeen dhaawacyo qalbi, iyo xauuso murugo xambaarsan, waxaana amniga Caasimadda noqday mid jilicsan, oo xili walba wax ka dhici karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here