Kooxo hubeysan ayaa goordhow Gudaha degmada Afgooye oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay kudileen  Askari ka tirsan Ciidanka Millateriga, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Dilka Askariga ayaa waxaa uu ka dhacay  Suuqa Ariga ee degmada Afgooye, xilli uu mashquul ahaay, waxaana baqdin ay soo wajahday qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa.

Goobjoogayaal ayaa Shabakadda Dayniile u sheegay in Ciidamo katirsan kuwa dowladda ay tageen Suuqa Ariga, iyaga oo goobta ka qaaday meydka askariga, sidoo kalena sameeyay howlgallo aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Afgooye ayaan weli ka hadlin dilkaas, hayeeshee horay ayaa degmada Afgooye waxaa loogu dilay, mas’uuliyiin, Odayaal dhaqan iyo Askar katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here