Kooxo hubeysan ayaa Barqanimadii Maanta waxaa ay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xaeunta Gobolka Mudug ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa, kaas oo lagu Magacaabi jiray Sakariye Saciid.

Wiilka la dilay ayaa kamid ahaa Dhalinyarada haldoorka ah ee u ololeyn jiray Nabadda Magaalada Gaalkacyo oo dhowr jeer colaad beeleedyo ay ka dhacay.

Ciidamo katirsan kuwa Puntland ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay walow ay baxsadeen dadkii dilka geystay, waxaana Wararka la helay ay sheegayaan in dilka Wiilka Dhalinyarada ah uu salka ku haayo aanooyin qabiil.

Magaalada Gaalkacyo iyo degaannada hoostaga ee Gobolka Mudug ayaa waxaa kajira colaad beeleedyo soo laab laabtay, iyada oo dilka Maanta aysan weli ka hadlin laamaha Amniga iyo Maamulka Magaalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here