Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa maanta degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ahaa muuqaal duube caan ka ahaa degmadaasi.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in wiilkna dhalinyarada ah Studio uu ku lahaa agagaarka Baar Bakiin ee degmada Howlwadaag in ay ugu galeen kooxaha hubeesan kadibna halkaasi ku dhax toogteen.

Wiilka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Awalad Yare ayaa ahaa wiil caan ku ahaa duubista aroosyada, waxa uuna degmada Howlwadaag ku lahaa Studio duuba aroosyada iyo xafladaha.

Ma jirto wali cid sheegatay masuuliyada dilka loo geestay wiilkan dhalinyarada ah, waxaana baxsaday kooxdii dilkaasi geesatay, iyadoona ciidamada booliiska sameeyeen baaritaano aysan kasoo bixin natiijo wax ku ool ah.

Dillaka qorsheesan iyo qaraxyada ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay magaalada Muqdisho, labo maalin kahor ayaana degmada Dayniile lagu dilay sadex haween ah oo ka shaqeenayay Wasaarada Gaashaandhiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here