Dil qorsheysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Kooxo hubeesan ayaa xalay Xaafada Buulo Xuubey ee degmada Wadajir ku dilay wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka dhaga adeegay in kooxo burcad ahaa ka dhacaan moobeel uu xiligaasi watay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kooxda burcada ah ee jidka u galeen Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabay Axmed Xuseen, wiilka ayaana la sheegay in uu diiday in moobeelka laga dhaco sidaasna ku dileen burcada hubeesan.

Kooxda burcada ayaa dilka kadib wiilka ka qaatay moobeelkii uu watay iyagoona goobta isaga tagay, ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa ku guul dareestay in ay soo qabtaan buracad dilka geesatay.

Xaafada Buulo Xuubey oo kamid aheyd xaafadaha ugu amaanka badan magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusoo batay kooxha burcada ah ee dhaca u geesta dhalinyarada ku fiidsata guryahooda hortooda iyo kuwa lugeeya

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here