Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Mudug ayaa maanta dil toogasho ah waxay ku fulisay askari ka tirsan Milatariga Gor-gor oo hore u dilay askari kale oo ay isku qeyb yihiin

Gacan ku dhiiglaha maanta dilka lagu fuliyay waxaa la oran jirey Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini) wuxuuna  hore Magaalada  Xarar-dheere ugu Dilay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabeel oo ay military-ga ka wada tirsanaayeen 11-kii bishaan September.

Advertisement

Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybteeda 21-aad ayaa 13-kii bishaan u fadhiisatay dacwad ciqabeedka loo haystay gacan ku dhiigle Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini) 22 jir  ina Faadumo Muxumed Khaliif ku dhashay Gaalkacyo kana tirsan ciidamada Gor Gor Ururka 3-aad guutada 27-aad kaasoo dilay Marxuum Saacid Cabdi Cali oo isn Gor-Gor ka tirsanaa waxaana lagu xukumay dil qisaasta 13-kii bishaan balse ugu danbeyn  maant oo 18-ka bishaan ah ayaa ugu danbeyn lagu fuliyay dilka.

Toogashaadaan ayaa ah fariin loo Dirayo Ciidanka oo ah in ay Dilaan Cadowga balse aan Hubka loogu dhiibin Iyaga in ayisku dilaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

No description available.

No description available.No description available.No description available.No description available.

No description available.

No description available.

No description available.No description available.No description available.No description available.

No description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here