HomeWarkiiDil toogasho ah oo Saaka lagu fuliyay laba Alshabaab ka tirsanaa

Dil toogasho ah oo Saaka lagu fuliyay laba Alshabaab ka tirsanaa

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Somalia ayaa saaka dil toogasho waxay ku fulisay laba nin oo ku eedeysnaa inay Alshabaab ka tirsan yihiin islamarkaana dilal ay ka gaysteen Muqdisho.
Labada Nin ee Saaka la toogtay waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Saleebaan Xuseen Nuur Cali oo Afgarasho u aheyd Cali & Siyaaf iyo C/qaadir Abuukar Axmed oo Afgarasho u aheyd Nasru-diin & Saabir.
Labada eedeysane waxaa maalmo ka hor dil toogasho ah ku xukuntay Maxkamada Ciidamada ugu danbeyna saaka ayaa lagu fuliyay oo meel fagaare ah ayaa lagu toogtay.

War qoraaka oo ka soo baxay Maxkamada Ciidamada ayaa lagu sheegay in labada eedeysane hore loo soo marsiiyay hab raaca garsoorka ,kadib markii lagu helay dilal ka fuliyeen gudaha Magaalada Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMMay be an image of 2 people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -