HomeWarkiiDil wadareed : Haweeny Qoys dab ku leysay oo iyadana dab lagu...

Dil wadareed : Haweeny Qoys dab ku leysay oo iyadana dab lagu dilay

ISIOLO (DAYNIILE.COM)-Magaalada Isiolo ee dalka Kenya waxaa laga soo sheegayaa inay ka dhacday dhacdo dil wadareed la yaab leh kadib markii haweeneey ay xalay qoys gurigooda ku wada jirey ay ku qabatay dab.
Gudiga oo wada holcaya ayay dadka deeganku ku soo xoomen iskuna dayeen inay bakhtiijiyaan balse wararka ayaa tilmaamaya in dhamaan dadkaasi ku dhinteen dabka inkastoo wararla qaar sheegayaan in gabar qoyska ka mid ahayd inay ka baxsatay.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in qoyska oo tira ahaan ka koobanaa 5 ruux sida hooyo ,ninkeeda iyo saddexdeeda carruur ay dhaleen kuwaasoo ku wada dhintay dabka  Dhamaan waxay ku dhinteen dabka.
Dhacdada kale oo iyadana ka sii yaab badan ayaa ah in saaka dadkii dariska ahaa soo qabteen haweeneydii gacan ku dhiiglaha ahayd waxayna ugu dambeyn iyadana ku dileen dab si ay ugu aar gudaan qoyska ay nafta ku silcisay, sidoo kale gurigii ay daganeyd isna dab ayay ku qabteen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
May be an image of 6 people and fire
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -