HomeWarkiiDil wadareed mar kale ka dhacay Dalka Sudan

Dil wadareed mar kale ka dhacay Dalka Sudan

Dil wadareed kale ayaa laga soo tabinayaa dalka Sudan kadib markii ciidamada RSF ee ku kacsan Dowlada Sudan ay duqeyn ku laayeen dad shacaba oo ku dhaqan magaalada El Fasher ee Dalkaasi.

Duqeyntaan waxaa ku dhintay dad badan oo shacab ahaa kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 24 ruux walina kooxdu ma qiran eeda loo jeediyay inkastoo inta badan kooxdaan lagu eedeeyo inay duqeymo aan loo meel dayid u geystaan xaaadaha dadka shacabka ah degan yihiin.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaalada Magaaladaani shacabka lagu xasuuqay ay tahay mid cakiran ,waxaana la tilmaamayaa in shacabku xitaa ku adag tahay inay barakacaan, maalmo ka hor ayaa la laayay haween iyo caruur isku dayayay inay barakacaan.

Dhanka kale Dowlada Sudan wali kama hadlin dhacdadaani naxdinta leh ee shacabka lagu xasuuqa xili kooxda ka soo horjeeda lagu eedeeyay inay ka danbeeyaan.Ciidamada Dowlada ayaa inta badan maamulaya dalkaasi walow bilowii dagaalada xitaa caasimada ay qabsadeen kooxda ka soo horjeeda.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -