HomeWarkiiDilal aano qabiil ku saleysan oo ka dhacay Gobolka Gagaduud

Dilal aano qabiil ku saleysan oo ka dhacay Gobolka Gagaduud

Wararka laga helaayo Deegeenka Baalaldheer ee Gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay laba ruux kadib markii kooxo hubeysani ay  toos u beegaeen.

Dilalkaani ayaa salka ku haya aanooyin qabiil oo ka taagan Gobolka Galgaduud, Wararka dilalkaani la xiriira waxay sidoo kale sheegayaan in ciidamada amaanka Galmudug goobta gaareen balse xiligaasi ay goobta ka baxsadeen maleeshiyaadkii dilalka fuliyay.

Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay dialkaani aanooyinka qabiilka saka ku haya iyagoo muujiyay cabsi badan madaama dadku isku dhex jiraan,sidoo kalana lagu wada mashquulsan yahay howlaha caadiga sida ganacsiga,xoola dhaqashada ama beeraha iyo kuwa kale.

Maamulka Gamudug wuxuu marar badan isku dayay inuu xaliyo oo nabad dhex dhigo beelaha hadana waxaa muuqata in dagaal beeleedyada iyo dilalka aanooyinka qabiilka ay wali taagan yihiin.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -