HomeWarkiiSiyaasi Cali C/laahi Cosoble oo weerar afka ah ku qaaday Sanbaloolshey

Siyaasi Cali C/laahi Cosoble oo weerar afka ah ku qaaday Sanbaloolshey

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maamulka Hirshabelle Siyaasiga Cali C/laahi Cosoble ayaa weerar afka ah ku qaaday Taliyihi hore ee Agaasimihii hore ee Nabad sugida iyo irdoonka Qaranka  C/laai Cali Sanbaloolshe oo ay isku heyb hoose yihiin.

Cali C/laahi Cosoble ayaa ku eedeeyay siyaasi Sanbaloolshe inuu xildoon yahay walibana uu wax kasta rabo sida Wasiir,safiir ,taliye nabadsugid iyo xitaa, madaxweyne Hirshabelle.

“Iimaan la’aanta waa wax laga duceysto, waxaana haboon inuu qofka ku qanco waxa uu Ilahey siiyo, laakin xildhibaan waa rabaa, wasiir waa rabaa, safiir waa rabaa, taliye nabadsugid waa rabaa, madaxweyne Hirshabelle waa rabaa, waa rabaa, waa rabaa, waa rabaa, wax kasta waa rabaa, Ilahow miyir noo yeel oo iimaanka ha naga qaadin” ayuu yiri Cali C/laahi Cosoble.

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle wuxuu luuqad adag ugu sheegay Sanbaloolshe inuusan mar danbe Beesha Xawaadle Dowlada ku matali doonin.

“Ama yuhuud la soo shir ama imaaraad iyo Deni la soo shir, wallee iyo billee xaaraan ayey kaa tahay inaad mar dambe Xawaadle hor orodid” ayuu yiri Siyaasi Cali C/laahi Cosoble

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -