HomeWarkiiDilalka loo geysanayo Soomaalida oo ku soo badanaya Magaalada Cape Town

Dilalka loo geysanayo Soomaalida oo ku soo badanaya Magaalada Cape Town

May be an image of one or more people, phone and textCAPE TOWN (DAYNIILE.COM)-Muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsi ku lahaa Dalka Koonfur Afrika ayaa shalay la toogtay waxaana laga dhacay wax kasta oo tukaankiisa yiilay gaar ahaan lacagtii Tukaanka uu ka shaqeeyay Rabi ha u naxariitee.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay waxaa lagu magacaabi jirey Shool Maxamed Cadde waxaana uu si gaar ah dilka uga dhacay dukaankiisa oo ku yaala degmada Philippi ee hoostagta magalada cape town ee gobolka Western Cape-  Koonfur Afrika.

Sidoo kale kooxaha burcada ah ee dilay Muwaadinka Soomaaliyeed waxay sidoo kale isla tukaanka ku dileen muwaadin dadkii wax iibsanayay ka mid ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika.

Dukaamada ku yaala Location-ada magalada cape town ayaa la soo warinayaa inay noqdaan kuwa dilka badan marka la eego weerarka Soomaalida iyo hantidooda  lagu hayo mana jirto ilaa iyo iminka xal loo halay arintaasi xili dhalinyartii Soomaliyeed naftoodii iyo hantidoodiiba ay ku sii baaba’ayso Magaaladaasi Cape Town.

Si kastaba sidaan hore marar badan warbixinadeenii hore idinku shegnay Booliiska waxay goobta tagaan marka koxaha burcada ah ay baxsadaan kadib waxaana aad looga shakisan yahay inay is ogyihiin madaama dad isleh ay yihiin.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -