XIGASHO LAACIB.NET
Weeraryahankii hore ee Manchester United, Dimitar Berbatov, ayaa magacaabay kooxda uu rumeysan yahay inay “ka yaabsan” doonto Arsenal tartanka hanashada Premier League ee xilli ciyaareedkan.
Arsenal oo haatan lix dhibcood ku hoggaaminaysa horyaalka, ayaa toddobaadkan fursad u leh inay farqiga ku kordhiso sagaal dhibcood marka ay booqdaan kooxda Chelsea, kadib markii ay Axaddii 4-1 ugu awood sheegteen Tottenham.
Berbatov, oo la hadlay ESPN, ayaa sheegay in Arsenal si dhab ah loo tijaabin doono inta lagu jiro jadwalka culus ee sababay mashquulka xilli ciyaareedkan.
“Dabcan Liverpool hoos ayay u dhacday, Man City-na dhibco ayay lumisay, laakiin waxaa jira kooxo kale sida Chelsea oo dadka ka yaabin kara,” ayuu yidhi Berbatov.
Wuxuu ku daray:“Lix dhibcood waa farqi wanaagsan, laakiin Premier League waxba kama aha. Si degdeg ah ayaa loo soo yareyn karaa.”
XIGASHO LAACIB.NET
