Diplomaasi sare oo Maraykan ah oo booqasho ku tagtay dalka Sri Lanka Axaddii ayaa ku boorrisay masuuliyiinta dalkaasi inay wax ka qabtaan musuqmaasuqa oo ay soo bandhigaan isbedello dhinaca maamulka dawliga ah, taas oo hareer soconaysa hannaanka wax looga qabanayo dhaqaale burburka ku yimi dalkaas.

Samantha Power oo ah maamulaha hay’adda USAID ayaa warbaahinta u sheegtay in tallaabooynka nooca ahi inay kor u qaadayaan, kalsoonida ay dalalka caalamka iyo shacabka dalkaasiba ay ku qabaan ujeedooyinka iyo hiigsiga nidaamka dawliga ah.

“Kaalmada oo keliya ma soo afjari karto dhibaatada dalkan,” ayay tidhi Samantha Power, iyada oo hadlaka sii raacisay “Waxaan ku adkeeyay madaxweynaha Sri Lanka, kulankii aan maanta la qaatay, in loo baahan yahay dib u habayn siyaasi ah iyo isla xisaabtan siyaasadeed, inay hareer socdaan dib u habaynta dhaqaale iyo isla xisaabtanka dhaqaale” ayay tidhi Samatha Power.

Samantha ayaa sheegtay in kalsoonida maalgashadayaasha caalamiga ah ay kor u kici doonto, marka ay dawladdu qaaddo tallaabooyin wax looga qabanayo musuqmaasuqa iyo weliba dib u habayn dawladeed in la sameeyo.

Intii ay ku gudajirtay safarkeeda oo qaatay muddo laba maalmood ah, waxay Samantha Power ay ku dhawaaqday lacag gaadhaysa illaa $60 Milyan oo dollar oo gargaar ah oo la siinayo dalka Sri Lanka.

AP

.

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here