Diyaarad ay saarnaayeen 180 qof oo ku bur-burtay Dalka Iran

Warbaahinta dalka Iran ayaa sheegtay diyaarad nooceedu yahay 737 oo ay saarnaayeen 180 qof ay ku burburtay meel aan ka fogeyn caasimadda Iran ee Tehran.

Wakaaladda wararka ee Fars ayaa kusoo warrantay in diyaaradan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee Ukraine ay burburtay waxyar un kadib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha ee Imam Khomeini ee caasimadda Tehran.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay ee shilka diyaaradda.

Wararku waxay intaa ku darayaan in diyaaradda ay kusii jeeday caasimadda Ukraine ee Kiev, ilaa iyo haddana ma cadda waxa sababay shilka diyaaradda iyo in ay la xiriirto xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran.

Wixii warar ah ee kasoo kordha halkan kala soco.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064