Hay’ada duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa  goor dhaw war xay so saartay ku sheegtay in diyaarad kale ay maanta ka celiyeen  hawada Somalia.

Diyaarada la celiyay waxay diiwaangashan tahay (registration P4-JAG) wadanka Thailand waxayna ahayd mid cargo ah.

Advertisement
Qoraalka Hay’adda ayaa  sidan  u qornaa:-
Muqdisho, January, 18, 2024 – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo maanta oo Khamiis ah. 18/01/2024 waxay dib ugu celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo) oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa.
Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo (cargo), waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaaraad aan la hayn maclumaadka ujeedka safarka iyo waxa ay sido , waxaana dib looga celiyay diyaaradaa inay soo gasho hawada Soomaaliya.
May be an image of text
Previous articleDowlada oo soo dhaweysay Go’aankii Midowga Afrika
Next articleMaxaa looga hadlay shirka maanta ee Golaha Wasiirada Somalia +SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here