Diyaarada oo siday Agab kala duwan ayaa Maanta waxaa ay ku gubutay garoonka diyaaradaha degmada Dooloow ee Gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Diyaaradda oo u rarneyd Hay’adda WFP ayaa waxaa ay siday Matooro ay leeyihiin dad Shacab ah, waxaana ka kacay dab xoogan taas oo sababtay inay diyaaradu gubato.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in uusan jirin qasaaro nafeed oo ka dhashay dabka ka kacay diyaaradda oo aan la demin, maadaama degmadaas aysan laheyn Gawaarida dabdemiska.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in dabka ka kacay diyaaradda uu Maanta saameyn ku yeeshay Shaqada Garoonka oo istaagtay, isla markaana duulimaadyo badan oo ka degi lahaa Garoonka Dooloow ay baaqdeen.

Dhowr jeer oo hore ayaa diyaarado sidaan oo kale waxaa uu dab ka kacay xilli ay ku sugnaayeen Garoomo diyaaradeed oo ku yaalla degaano ka tirsan Gobolada Hiiraan, Baay iyo Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here