MOSCOW (DAYNIILE.COM)-Wararka imaanaya Dalka Ruushka ayaa sheegaya inay maanta burburtay diyaad rakaab ahayd oo sida ilaa 50 ruux waxaana la sheegay inay geeriyoodeen dhamaan dadkaasi.
Diyaaradaan oo lagu magacaabo Antonov An-24 ayaa la soo sheegayaa inay tahay nuucii qadiimiga ahaa ee la sameeyay xiligii Soofiyeetiga, waxayna diyaaradaani shaqeneyso ilaaa 50 sano.
Goobta diyaaradu ku soo dhacday oo ay ku gubaneyso waxaa gaaray kooxaha gurmadka inkastoo wararku u badan yihiin in diyaaradaasi cidina ka bad-baadin,diyaaradda waxay ku soo dhacday dhul aad kayn u ah, qiiq iyo holac.
Dhanka kale Dowlada Ruushka ayaa lagu wadaa inay faahfaahin ka soo saarto shilkaan diyaaradeed iyo khasaaraha dhimashada inta uu la egyahay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
