HomeWarkiiDiyaarad u socota Hargeysa oo ku burburtay Nairobi iyo tirada dhimashada

Diyaarad u socota Hargeysa oo ku burburtay Nairobi iyo tirada dhimashada

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Diyaarad la sheegay inay tahay nuuca caafimaadka ee loo yaqaan Umbulance kana baxday Nairoobi kuna sii jeeday Magaalada Hargeya ayaa shalay galab ku burburtay isla nairobi iyadoo sedex daqiiqo kaliya hawada ku jirtay.

Inta la ogyahay 6 ruux ayaa ku dhimatay diyaaradaasi oo ka kacday garoonka Wilson Airport ee Nairobi, diyaarada waxaa lahaa hay’ad samafal oo ka shaqeysa dhanka caafimaadka.

Sida ay sheegtay hay’adda duulista rayidka ee Kenya diyaarada ayaa lumisay xiriirkii raadaarka ee hagidda hawada saddex daqiiqo kadib markii ay hawada gashay kadibna waxa la ogaaday inay dhacday walina lama cadeyn sababta cilada keentay.

Diyaaradaan oo ah nuuca yar yar ayaa la sheegay inay ku dul dhacday xaafada xaafadda Githurai ee magaalada Nairobi waxaana qabaday dab taasoo sababtay inay ku dhintaan dhaqaatiir iyo shaqaalihii diyaarada.

Guddoomiyaha ismaamulka Kiambu Henry Wafula ayaa sheegay bbc somali in afar qof oo diyaaradda la socday ay dhinteen, oo ay ku jiraan dhakhaatiir, kalkaaliyayaal iyo duuliyihii diyaarada.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in lixda ruux ee dhimatay 4 ay diyaarada la socdeen halka 2-da kalana ay ku dhinteen xaafada ay ku ku dhacday diyaarada sidoo kale laba ruuc ayaa dhaawacmay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

Burburka diyaaradda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -