Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Ciiro ayaa goor dhaweyd baraha bulshada soo dhigay Sawiro uu ku galay Diyaarad Hela-kobtar ah xili maalmihii ugu danbeeyay warbaahinta Soomaalida iyo baraha blshada ay aad u hadal hayeen socdaal qarsoodi oo la sheegay inuu ku aaday dhulka ay xooga ku heystaan Yuhuuda.
Xog dheeraad ah ayaa laga helay halka uu ku sugan yahay C/raxmaan Cirro, nuuca diyaarada uu saaran yahay iyo dalka laga leeyahay intaba.
Heyla-kobtarka uu sawiradaku galay C/raxmaan Ciiro Nooceedu waa Airbus H145, Diiwaangelin ahaana haystaa HB-ZXY – xarafka HB taasoo muujinayaa in ay ka diiwaangashan tahay Dalka Switzerland xitaa calanka dalkaani ayaa ku xardhan.
Xogaha la helayo waxay intaasi ku darayaan in Diyaaradaani loo adeegsado ama loogu talo galay gargaarka degdegga ah ,waxaana si gaar ah u adeegsada shirkado gaar loo leeyahay ama xiraa Booliiska,waxaa kale oo xusid mudan in Madaxweynaha Maamulka Somaliland in qoyskiisa ay qaxooti ku yihiin dalka Swizerland sidaas daraadeed ay macquul tahay inuu qoyskiisa booqasho ugu tagay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


