MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Diyaaradaha Dagaalka F-16 ee Dalka Turkiga balse dhawaan Muqdisho soo gaareen ayaa saaka waabarigii waxaa lagu soo toosay iyagoo duulimaad ku sameynaya hawada Magaalada Muqdisho iyagoo marba dhinac xawaare ku duulaya.
Warar saacadihii ugu danbeeyay soo baxayay ayaa sheegaya in diyaaradahaan dagaal isu diyaarinayaan inay qiimeyn ku sameeyaan hawada Somalia xili waliba dhawaan si toos ah diyaaradahaani saldhig looga dhigi rabo Gobolka Sabeelaha dhexe gaar ahaan deegaanka Wargaadhi.
Saldhiga Milateri ee ku yaal Wargaadhi ayaa la sheegay inay Dowladu dhistay islamarkaana mudo sanado ah uu socday dhismaha saldhigaani , ugu danbeyna saldhiga waxaa la hadal hayaa inay degayaan ciidamada Turkiga si ay halkaasi uga waardiyeeyaan saldhiga dayax gacmeedka ay ka hirgelinayaan Warsheekh oo 100 KM u jirka Wargaadhi.
Dhanka kale Dowlada Somalia gaar ahaan Wasaarada Gaashaandhiga wali war rasmi ah kama soo saarin saldhiga Milateri ee Gobolka Shabeelaha dhexe kaasoo u muuqda inay Turkidu si gaar ah u maamuli doonaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
