Diyaaradaha Milatariga Kenya ayaa maanta duqeyn waxay ka gaysteen maalintii labamagaalada Ceel-Cadde ee Gobolka Geddo Maamulka Jubaland.
Duqeyntaan waxaa ka dhashay khasaare nafeed markii uu gantaal ku habsaday guri dad shacaba ay leeyihiin halkaasoo ay ku dhimatay gabar 8 jir ahayd halka shacab kalana ay dhaawacyo soo gaareen.
Goobaha Caafimaadka ayaa la gaarsiiyay dadkii dhaawacyadu ay soo gaareen inkastoo faah faahin aan laga heyn tirada rasmiga ah dadka dhibaatadu soo gaartay.
Ciidamada Kenya waxay caan ku yihiin inay inta badan gantaaladoodu lahayn bartilmaameed rasmi ah islamarkaana ay shacabka xasuuqaan mar kasta oo ay howlgal sameeyaan.
Saraaakiisha Kenya ayaa markasta oo wax  laga weydiiyo dhibaatada shacabka ay gaarsiiyaan ku jawaab celiya waxaan beegsanaynay Alshabaab.

waa markii sedexaad oo ay Diyaaradaha kenya duqeymo ka fulinayaan Gobolka Gedo wax ka 36 saac,mana muuqato cid kala xisaabtameysa dhibaatada ay shacabka ku hayaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here