Muqdisho, 17 December 2023: Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee drones-ka, ayna iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo ciidanka Mareykanka ayaa lagu beegsaday horjooge sare oo ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabab, Koonfuurta Soomaaliya.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe, waxaana horjoogaha la beegsadey u qaabilsanaa Khawaarijta abaabulka dagaallada.

Waa tallaabo kale oo DFS oo kaashaneysa Mareykanka ay qaadeen dhabar jabinta Khawaarijta naf lacaariga ah ee khatarta ku ah nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka intaba.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an ay xididada u siibto horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabab si loo gaaro Soomaaliya nabad ah oo xasiloon , lagana suuliyay argagixisada.

=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=

Previous articleCiidamada Milatariga Somalia oo si rasmi ah goordhaw loogu wareejiyay Madaxtooyada+SAWIRRO
Next articleDowlada Farance oo ka hadashay muwaadin looga dilay Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here