Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo shikii diyaaradeed ee maanta ka dhacay Dalka India ayaa la soo sheegayaa in guud ahaan dadkii saarnaa ay ku dhinteen marka laga reebo hal nin kaasoo lagu arkayay baraha bulshada isagoo yara shoogsan dhiigna uu ku yaal balse uu ahaa qof caafimaad qaba oo lugihiisa ku socda.
Diyaarada waxaa saarnaa rakaan dhan 242 ruux waxayna ka kacday dalka India iyadoona ku sii jeeday Dalka Britain balse markii ay cagaha dhulka ka qaaday oo hawada ay sii galayso ayay si lama filaan ahi cilad ugu timid kuna dhacday xaafad la degan yahay oo u dhaw isla garoonka ay ka duushay ee Ahmedabad ee galbeedka Hindiya.
Sida uu shaaciyay Faiz Ahmed Kidwai, oo ah madaxa agaasinka guud ee Duulista Rayidka diyaaradda Air India oo duulimaadkeedu ahaa 171, Boeing 787, ayaa ku burburtay oo ka dul dhacday xaafad la deggan yahay oo lagu magacaabo Meghani Nagar islamarkii ay duushay.
Dhanka kale Shirkadda Air india, ayaa warbaahinta la wadaagtay waddamada ay u kala dhasheen dadka la socday diyaaradda.
169 waxay u dhasheen Hindiya , 53 qof waxay u dhasheen Ingiriiska, 7 qof waxay u dhasheen Boortaqiiska, 1 qof kale wuxuu u dhashay Dalka Canada.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM









