Labada Magaalo ee Bu’aalle iyo Saakoow oo hoos taga maamulka Jubalanad waxaa ku dhacday duqeymo ay ka danbeeyeen diyaaradaha Saaxiibada Dowlada Soomaaliya.

Wararka la helaayo ayaa sheegaya in bartilmaameedku ahaa xarumaha ciidan ee dagaalamayaasha Alshabaab iyo Saraakiil Ajaanib ah.

Advertisement

Lama oga inta uu la egyahay khasaaraha gaaray alshabaab madaama aysan jirin warar madax banaan oo laga heli karo deegaanada la duqeeyay.

Diyaaradaha duqeymaha fuliyay lama oga in Kenya laga leeyahay iyo inay yihiinn Drons-ka reer Galbeedka sida Mareykanka oo fariisimo ku leh gudaha Dalkeena Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleWiil iyo Abtigiis lagu dilay Dalka Koonfur-Afrika
Next articleBaarlamaanka oo maanta mar kale u balansan ajandihii buuqa ku dhamaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here