Diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines oo isku diyaarinaysay inay ka dhoofto garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Denver ayaa lagu khasbay in rakaabkii laga daadgureeyo ka dib markii uu taayirkeedu dab qabsaday, taasoo keentay gurmad degdeg ah oo ay hakisay hawlihii garoonka muddo saacad ku dhow.
Dhacdadu waxay dhacday shala galab wuxuu qorshuhu ahaa inay ka duusho Denver kuna sii jeeddo Miami, balse inteysan kicin ayay cilada timid waxaana qarxay mid ka mida lugaha diyarada, waxayna keentay qiiq iyo holac ka yimid dhanka bidix ee diyaaradda taasoo keentay in degdeg looga daad gureeyo dadkii saarnaa.
Rakaabkii oo argagaxsan, ayaa ka soo baxay diyaaradda iyadoo muuqaalo laga duubay ay ku baaheen baraha bulshada iyo waraabaahinta,
American Airlines, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in diyaaraddu ay la kulantay arrin dayactir ah’ iyadoo taayirka uu ku dul saarnaa qalabka ay ku degto wax yar ka hor inta aysan duulin.
“Dhammaan macaamiishii iyo shaqaalihii diyaaradda si nabad ah ayay u degeen, diyaaraddana waxaa laga saaray adeegga si ay u kormeeraan kooxdayada dayactirka,” ayaa lagu daray bayaanka.
SOURCE THE ECONOMIC TIMES
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
![]()
