HomeCiyaarahaDoku oo magacaabay cidda ka dambeysa qaab ciyaareed-kiisa aadka u sarreeya

Doku oo magacaabay cidda ka dambeysa qaab ciyaareed-kiisa aadka u sarreeya

XIGASHO: LAACIB.NET

Weeraryahanka Manchester City ee Jeremy Doku ayaa dib u soo kabashadiisa cajiibka ah ku saleeyay laba arrin: xorriyad maskaxeed uu helay, oo ka timid iimaankiisa diimeed, iyo kalsoonida uu ka helay tababare Pep Guardiola.

Doku, oo 23 jir ah kana tirsan xulka Belgium, ayaa xilli ciyaareedkii hore la kulmay dhibaatooyin qaab ciyaareed, balse wuxuu haatan ku jiraa xaalad aad u wanaagsan, isagoo laba gool dhaliyay Club World Cup.wuxuu u soo muuqday si heer sare ah, gaar ahaan kulankii ay la ciyaareen Juventus.

Doku ayaa yiri: “Waxaan dareemayaa xorriyad, waana ku raaxaysanayaa kubadda. Weli waxaan horumarin karaa dhinacyada qaarkood, balse waxaan u ciyaaraa si xor ah oo maskaxdu deggan tahay, anigoo heysta kalsoonida tababaraha, waxaad filan kartaa nooceyga ugu fiican.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in iimaankiisa uu door weyn ka ciyaaray kororka kalsoonidiisa:

“Waqti badan ayaan u hurayaa isbeddelkeyga.”

Doku wuxuu ka mid ahaa ciyaartoyda ugu firfircoon safka City, taasoo ka caawisay kooxda bilow xooggan oo ay muujiyeen Club World Cup. Isagoo ka hadlaya sida ay kooxda u wajahday tartanka, wuxuu yiri:

“Waxaan u wajahaynaa kulanba kulan. Kulankan wuxuu ahaa mid wanaagsan. Waxaan isku dayi doonaa inaan mar walba sidan u ciyaarno, kuna celcelinno heerkan.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -