HomeCiyaarahaDominik Szoboszlai oo war culus ka soo saaray mustaqbalka Mo Salah ee...

Dominik Szoboszlai oo war culus ka soo saaray mustaqbalka Mo Salah ee Liverpool

XIGASHO LAACIB.NET

Dominik Szoboszlai ayaa ka hadlay mustaqbalka Mohamed Salah ee kooxda Liverpool, ka dib khilaafkii iyo cadhadii muuqatay ee ka dhalatay barbarahii ay la galeen kooxda Leeds bishii hore.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Hungary ayaa shaaca ka qaaday inuu xiriir joogto ah la leeyahay saaxiibkiis Salah, balse go’aanka mustaqbalkiisu uu u yaallo maamulka kooxda iyo ciyaaryahanka laftiisa.

“Taas waxay u dhexaysaa isaga iyo aniga. Wuu soo laaban doonaa, ka dibna waan sii wadi doonnaa shaqada. Waa go’aan u dhexeeya tababaraha iyo kooxda,” ayuu yiri Szoboszlai.

Wuxuu intaas ku daray inuu maalin kasta la hadlo Salah: “Haa, runta haddii aan kuu sheego, ku dhowaad maalin kasta ayaan wada hadalnaa. Wax walba ayaan ka wada hadalnaa. Anigu waan la socdaa xaaladdiisa, waxaanan filayaa inuu isaguna i la socdo.”

Szoboszlai ayaa sidoo kale ka hadlay qaab ciyaareedkii kooxda ee kulankii barbaraha ee Burnley, isagoo yiri: “Waa markii ugu horreysay ee aan si dhab ah u ciyaarno annaga oo ka hortageyna koox difaac xiratay, waxaana abuuray fursado badan. Waxaan helnay karoosyo iyo darbooyin badan.”

Isagoo eegaya tartanka Champions League ee ay wajahayaan kooxda Marseille, wuxuu yiri: “Taas ayaa ah midda ay tahay inaan hiigsanno marka aan wajahayno Marseille, laakiin iyagu ma ciyaaraan difaac xiran, waxay isku dayaan inay kubadda ka soo dhistaan dhabarka, waana inaan taasna u diyaar garownaa.”

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -