WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Mareykanka oo saacadihii ugu dambeeyay saxaafada la hadlayay ayaa marar kala duwan warkiisa waxaa aad looga dhadhansanayaa in dagaalkaba uu isaga ka dambeeyo islamarkaana uu toos ula safan yahay Israa’iil.
Trump wuxu saxaafada u sheegay in dagaalku dhamaan doono hadii Iiraan is dhiibto islamarkaana ogolaato inay hubkeeda nuyukleerka la burburiyo .
Donald Trump oo markii uu dagaalka bilaabanayay iska dhigaayay inuu dalkisu dhex dhexaad yahay ayaa hada banaanka is keenay inkastoo dadka siyaasada u dhuun duleela ay rumeysan yihiin in Israa’iil iyo Mareykan aysan laba dowlad kala ahayn balse ay hal Dowlad yihiin oo mid hadaa isku dhacdaan kan kalana aad sidaas isugu dhacdeen.
Trump mar uu ka hadlayay hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan ayuu sheegay ineysan jirin qorshe hadda lagu khaarijinayo hogaamiyahaasi waliba ay hayaan xogta halka uu ku sugan yahay.
“ma jirto qorshe lagu dilayo hada hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan,waana ognahay halka u ku sugan yahay waliba waa bartilmaameed sahlan”ayuu yiri Trump
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM