WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Mareykanka ayaa mar kale weerar afka ah wuxuu ku qaaday Soomaalida isagoo markaan warbaahinta u sheegay isweydiin Mareykanka dhexdooda ah taasoo salka ku heysa maxan dalal wanaagsan dad uga soo qaadan weynay oo Solomaali xun dad uga soo qaadanaa waa sida ay ku saleysan tahay is weydiintooda.
Trump wuxuu si gaar ah u soo hadal qaaday sabab ay dad uga soo qaadan wayeen dalal uu aad u amaanay dadkooda sida Norway, Sweden iyo Denmark oo ay Soomaali dad badan u siiyeen dhalashada dalkaasi xili mar kale uu Soomaalida ku tilmaamay dal wasakh ah oo aan wax nidaam ah ka jirin
“maxaan u heli waynay dad ka imanaya Norway, Sweden ama Denmark, oo an u soo qaadanaa dadka ka imaanaya Somalia oo ah meel wasakh iyo dhibaato badan ka jirto” ayuu yiri Trump
Sidoo kale wuxuu Trump sheegay in Soomaalidu keliya yaqaanaan oo ku fiicanyihiin sida loo weerarro maraakiibta isagoo ula jeeda kooxaha burcad badeednimada ka qaraabta.
“iyaga oo dhan waa masiibo waxa keliya ee ay ku fiican yihiin waa budhcad-badeednimada, mana taaban karaan Maraakiibteenna gantaal ayaa la dhacayaa.” ayuu mar kale yiri Odey Trump
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
