Madaxweyne Donald Trump ayaa ku wajahan Imaaraadka Khamiista ka dib markii uu booqasho ku tagay Qatar maalintii Arbacada halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay booqashadiisa labaad ee Bariga Dhexe.
Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump iyo Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ay kala saxiixdeen heshiisyo sameynaya is-dhaafsi dhaqaale oo ku kacaya ugu yaraan $1.2 trillion.
Heshiisyada ayaa la sheegay inay ku jiraan heshiis $96bn ah oo lala galay Qatar Airways si ay u iibsadaan ilaa 210 Boeing 787 Dreamliner iyo 777X diyaaradood, iyo bayaan ku saabsan $38bn oo lagu maalgelinayo Qatar Airbase Al Udeid iyo awoodaha kale ee difaaca hawada.
Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in kulan ay yeeshaan mas’uuliyiinta Mareykanka,Turkiga iyo Suuriya si ay uga wadahadlaan tafaasiisha uu Trump ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay cunaqabateynta ka dhanka ah Suuriya.
Booqashada saddexda waddan ee Trump ee gobolka Khaliijka ayaa lagu soo gabagabeyn doonaa Imaaraadka Carabta Khamiista.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM