HomeWarkiiDonald Trump oo ka hadlay qadiyada ictiraafka Somaliland

Donald Trump oo ka hadlay qadiyada ictiraafka Somaliland

Sida goor dhaw lagu baahiya Tv-ga Maamulka Somailand Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa ka hadlay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.

Bogga baraha bulshada uu ku leeyahay Tv-ga Somaliland ayaa qoraal goor dhaw la soo dhigay wuxuu u qornaa sidan:-

Madaxweyna Donald Trump oo wax laga weydiiyay in Maraykanku aqoonsanayo Somaliland haddii ay masaalix muhiim ah ay iska kaashadaan dawladda Washington, waxaanu sheegay in ay arrintaas eegayaan oo ay ka shaqeynayaan hindisahaasi.

“Run ahaantii xiligan waan ka shaqeyneynaa hawshaas, ” ayuu yidhi Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Waxa muddooyinkii u dambeeyay si isa soo taraysa u soo xoogaysanayay in maamulka Maraykanku ay danaynayaan inay xidhiidh iskaashi oo istaraatiji ah la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal furfuran oo dimuqraadi ah oo la aamini karo.

Waxana kor u kacay dhaqdhaqaaqyada xildhibaanno baarlamaan, siyaasiyiin iyo machadyadda siyaasadda lafoguraa ay si joogto ah ugu booriyeen madaxweyne Donald Trump inuu aqoonsado JSL, si uu kor ugu qaado dalalka xulafada la ah ee ku yaalla Geeska Afrika iyo badda cas.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa lagu wadaa inuu socdaal uu heshiisyadaas kaga midhodhalinayo dhawaan uu ku tagi doono Maraykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -