HomeWarkii Donald Trump oo ku dhawaaqay in Mareykanku uu u diri doono Ukraine...

 Donald Trump oo ku dhawaaqay in Mareykanku uu u diri doono Ukraine “hubka ugu tayada wanaagsan

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanku uu u diri doono Ukraine “hubka ugu tayada wanaagsan” iyada oo loo sii marayo waddamada NATO, isagoo sidoo kale ugu hanjabay Ruushka cunaqabateyn adag haddii aan heshiis lagu soo afjarayo dagaalka la gaarin muddo 50 maalmood gudahood ah.

 

“Waxaan dooneynaa inaan hubinno in Ukraine ay awooddo inay sameyso waxa ay rabto inay sameyso,” ayuu Trump yiri kadib kulan uu la yeeshay madaxa NATO Mark Rutte oo uu kula kulmay magaalada Washington.

 

Rutte, waxa uu xaqiijiyay in Maraykanku uu go’aansaday in uu ” siiyo Ukraine waxa lagama maarmaanka u ah iyagoo sii mariyana Nato” iyo in reer Yurub ay qaadi doonaan kharashka ku baxaya.

 

“Waddamada Yurub ayaa Kyiv u diri doona nidaamyadooda difaaca hawada ee Patriot – kuwaas oo Ukraine u adeegsan doonto ka hortagga weerarada cirka ee dhimashada leh ee Ruushka iyadoo Mareykanku bixin doono qalab beddel ah” ayuu yiri Trump.

 

Rutte iyo Trump midkoodna ma faah faahin hubka loo diri doono Kyiv balse Rutte ayaa sheegay in heshiiska ay ku jiraan “gantaalada iyo rasaasta”.

BBC

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -