HomeWarkiiDonald Trump oo ku hanjabay inuu Xamaas hubka xoog uga dhigi doono

Donald Trump oo ku hanjabay inuu Xamaas hubka xoog uga dhigi doono

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa soo hadal qaaday arinta dagaalamayaasha xamaas kadib heshiiska laga gaaray dagaalkii marinka Qaza ka jirey gaar ahaan kii 2-dii sano ee ugu danbeysay,wuxuuna si gaar ah uga hadlay qorshihii ahaa in xamaar hubka dhigto .

Trump wuxuu si toos ah ugu hanjabay hadii xamaas hubka dhigi weyso in Mareykanku qaadi doono talaabo ay Xamaas hubka kaga dhigayaan si xoog ah  madaama heshiska uu isagu soo diyaariyay ay ku jirtay inay ka baxaan Qaza islamarkaana hubka dhigaan.

Trump wuxuu intaasi ku daray in talaabada hubka dhigista ay waliba sameyn doonaan  sida ugu dhaqsiyaha badan , wuxuu xusay in markii heshiiska la galayay ay dagaalyahanada Xamaas u sheegeen inay hubka dhigayaan,Madaxweynaha Mareykanka wuxuu ku adkeysanaya inay taasi dhici doonto.

 “Haddii aysan hubka dhigin, waan ka dhigi doonnaa hubka, waxayna u dhici doontaa si degdeg ah oo laga yaabo inay rabshado wataan”.ayuu yiri Trump

Dhanka kale Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa isna mar uu ka hadlayay arintaan wuxuu sheegay in marxaladda xigta ee qorshaha nabadda Gaza ay tahay in Kooxda Xamaas hubka laga dhigo islamarkaana Qaza ay noqoto meel aanan lahayn ciidan hubeysan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -