Cambodia iyo Thailand ayaa rasaas isku weydaarsaday maant xadka ay ku muransan yihiin maalintii afaraad , saacado ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in labada waddan ee Koonfur-bari Aasiya ay ku heshiiyeen inay joojiyaan dagaalka.
Trump ayaa sheegay in uu uga digay madaxda Thailand iyo Cambodia in uusan wax heshiisyo ganacsi ah la sameyn doonin labada dal haddii uu sii socdo dagaalka dhimashada badan dhaliyay.
Ugu yaraan 32 qof ayaa ku dhintay in ka badan 200,000 oo qofna waa ay ku barakaceen tan iyo khamiistii, sida ay sheegeen saraakiisha Thailand iyo Cambodia, iskahorimaadyadaas oo cirka isku sii shareeray inkastoo Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Shiinaha ay ku baaqeen in dagaalka la joojiyo.
Labada dhinac ayaa isku eedeeyay mid kasta inuu bilaabay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay xuduuda, isla markaana uu ku eedeeyay dagaalka socda.
Saacado kadib ku dhawaaqista Trump, dowladda Thailand ayaa Axadii sheegtay in aysan diyaar u ahayn in ay joojiso howlgallada militari waxa ayna Cambodia ku eedeysay in ay sii wadato in ay madaafiicda culus ku garaacdo goobaha rayidka ay ku nool yihiin ee ku yaala gobolka Surin ee xadka, iyo dhowr goobood oo kale.
Hadal ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Dalka Thailand ayay ku muujisay inaan heshiis xabad joojin la gaari karin inta Cambodia ay si joogto ah ugu xad gudubeyso mabaadi’da aasaasiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo sharciga bani’aadamnimada.
Si kastaba waxaa wali meelo banaan degan oo guyahooda ka barakacay dad lagu qiyaasay 200,000 oo u badan reer Thailand kuwaasoo hoy macmal ah ka sameystay meelihii ay miciin bideen.
SOURCE CNN
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

