HomeWarkiiDonald Trump "Soomaaliya ma laha wax u eg xataa astaamihii dal lagu...

Donald Trump “Soomaaliya ma laha wax u eg xataa astaamihii dal lagu yaqanay , waxaa loo arkaa halka ugu liidata dundia”

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Mareykanka ayaa hada u muuqda inuu xadkiisa masuuliyadeed soo gudbay isagoo shaqo toos ah ka dhigtay saacad kasta inuu si waali ah u aflagaadeeyo Somaliya iyo  jiritaankeeda , mana ka reebo inuu iyadana sii raacsiiyo Sanatar Ilhan Cumar iyo heysata dhalashada Dalkaasi islamarkana ah xubin Congares-ka Dalkaasi.

Waayeelka Trump inkastoo uu awalba aflagaadeyn jirey Soomaalida markaan wuxuu ku soo daray in Somaalida sidooda ahayn dad shqeysta hadana ay heystaan hanti malaayiin Doolar taasoo uu ula jeedo inay musuq maasuq wax ku helaan.

” Soomaalida marnaba dal ma aysan yeelan, waayo dalba ma jiro, Somalia xataa dal ma aha, soomaaliya ma laha wax u eg xataa astaamihii dal lagu yaqanay , waxaa loo arkaa halka ugu liidata dundia” ayuu Yiri Trump Sida BBC-da laanteeda afka Somaliga ay  soo tabisay

Sidoo kale Soomaalida ku dhaqan Minnesota ayuu ku eedeeyay in ugu yaraan 19 bilyan oo dollar ay ku maqan tahay,wuxuuna intaasi ku daray inay yihiin Soomaalia dad ay ku yar tahay garashada sida uu warkiisa u dhigay odeyga Trump ah oo inta  badan dunida looga aqoonsan yahay inuu maskixiyan u xanuunsan yahay.

Dhanka kale Ilhan Cumar ayuu si shaqsi ah mar kale u weeraray isagoona sheegay inay heysato hanti dhan 30 Milyan dolar isagoo xusay in lacagtaasi aysan iyadu shaqeysan wuxuu intaasi sii raaciyay inay tahay xubin congress oo hadana turufatoore ah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -