Warqad uu soo saaray Ra’iisul Wasaare, Maxamed Huseen Rooble, ayaa dalka looga cayriyey Wakiilka Guddoomiyaha  African Union Commission ee Soomaaliya, Amb. Francisco Madeira. Waxaana Madeira loo qabtay 48 saacadood in uu dalka uga baxo. Faalladdan kooban waxaan ku falanqaynayaa qaanuun ahaanta eryidda Amb. Madeira xagga qawaaniinta caalamiga.

1-Soomaaliya xaq ayey u leedahay in ay Wakiilka Khaaska ah ee Midowga Afrika  dalka ka cayriso oo dalbato in laga baddalo, qaabka ay u marayso iyo cidda u fulinaysa Soomaaliya ayaa go’aanka iska leh. Qawaaniinta caalamiga dalalka ayey u daysaa habka ay arrimahooda u maaraynayaan, laakiin waxaa laga rabaa waajibaadka caalamiga ah in ay ka soo baxaan.

2-Waxaa xaqiiqo ah in ay jirto kala qaybsanaan ka dhex jirta dowladda Soomaaliya, muddo xileedyo dhammaaday. Haddana marka la raaco qawaaniinta caalamiga ah ma jirto wax u diidaya Ra’iisul Wasaaraha in uu cayriyo Amb. Madeira, maadaama uu u arkay in uu farageliyey arrimaha Soomaaliya, una dhaqmay si aan dhexdhexaad ahayn. Sida ku cad Heshiiska Amisom dalka ku joogto (Status of Mission Agreement) waxaa muhiim ah in ay madaxdooda iyo howlwadeenadoodu dhex dhexaad ka ahaadaan arrimaha Soomaaliya, ixtiraamaanna qawaaniinta iyo madax bannaanida Soomaaliya. Amb. Francisco Madeira taas in uu ku xadgudbay ayey u muuqataa.Sida ay u badan tahayna Midowga Afrika wakiil kale ayey ku soo baddali doonaan.  Warqadda Madaxweynuhu ka daba qoray waxay u muujinaysaa Midowga Afrika in khilaaf dowladda Soomaaliya ka dhex jiro, laakiin aragtidayda ma joojinayso go’aanka Ra’iisul Wasaaraha.

3-Heshiiska Vienna Convention on Diplomatic Relations(1961) oo ay Soomaaliya qaybta ka tahay looma isticmaali karo Wakiillada Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay oo waxa uu khuseeyaa diplomaasiyiinta dalalku isku dirsadaan. Sida heshiiska ku cad diblomaasiyiinta dalaku isku diraan ayaa loo isticmaalaa PNGda.  Qalad ayey aheed in PNG loo isticmaalo Wakiilkii Qaramada Midoobay, Nicholas Haysom, oo dalka laga cayriyey. Sidoo kalana waa qalad in loo isticmaalo Amb. Francisco Madeira. Laakiin waa la dalban karaa in uu dalka ka baxo ama la weydiiyo ururkii soo magacaabay in uu soo baddalo.

4-Waxaan arkay dad badan oo ku doodaya in qaabkaas la maro ayey aheed iyo habkii saxda ahaa looma marin. Sida aan xusnay, qawaaniinta caalamiga dalalka ayey u dhaaftaa sida ay u hirgelinayaan heshiisyada caalamiga ah. Mana jiro habraac gooni ah oo qawaaniinta caalamiga ama kuwa Soomaaliya qorayso in arrinkan loo maro. Nidaamka dalka dhexdiisa ahna waa u madax bannaan yahay dal kasta. Soomaaliya ayey u taallaa in arrimaha dhexdooda ah  habaystaan, khilaafkoodana xallistaan. Marka la raaco Heshiiska Vienna ee Xeerka Heshiisyada, madaxweynaha, ra’iisulwasaaraha, wasiirka arrimaha dibadda iyo safiirrada dal leeyahay waxaa loo aqoonsan yahay in ay dalka wakiil ka noqon karaan. Qoraallada ay soo saaraanna waxaa loo aqoonsan yahay in dalkaas soo saaray. Heshiisyada ay galaanna dalkaas in uu galay ayaa loo aqoonsanayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here