XIGASHO LAACIB.NET
Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa ka hadlay doodda socota ee ku saabsan weeraryahanka ugu fiican caalamka, isaga oo ku adkaystay in Erling Haaland uu ka fiican yahay saxiixa rikoodhka ah ee Liverpool, Alexander Isak.
Guardiola ayaa ka jawaabayay hadallo uu hore u jeediyay macallinka Liverpool, Arne Slot, kaas oo dhowaan ku tilmaamay Isak inuu yahay weeraryahanka ugu fiican adduunka.
“Erling [Haaland] ayaa wax yar sarreeyaa,” ayuu Guardiola u sheegay saxaafadda Jimcihii. “Isak waa ciyaaryahan heer sare ah, sababta oo ah lacagta Liverpool ka bixisay waa mid caddeyneysa tayadiisa.”
Si kastaba ha ahaatee, tababaraha reer Spain ayaa qiray in doodaha noocan ahi yihiin kuwo qof walba uu aragtidiisa ka dhiibto, isaga oo sheegay in taageerayaasha iyo falanqeeyayaasha ay had iyo jeer ku kala duwanan yihiin doorashadooda.
“Qof ayaa dhihi doona [Kylian] Mbappe, qof kale [Lionel] Messi, qof kale Cristiano [Ronaldo],” ayuu hadalkiisa ku daray Guardiola. “Taasi waa caadi, waa ciyaar fikrado kala duwan ah. Laakiin aniga, Erling cid kale kuma beddelan karo.”
XIGASHO LAACIB.NET
