Doodii Xalay & Labada Xildhibaan

0

Doodu Waxay u dhaxaysay Labada Xildhibaan ee kala ah

1- Xildhibaan Faarax Cabdulqadir
2- Xildhibaan Cabdi Cali

Waxay ku Saabasanayd Doodu Sharci Ahaan Xeerarka Doorasho ee Ay Ansixiyeen Golaha Shacabka,

Doodu Maysan Ahayn indha cadays Iyo Dood ku Saabasan Rag iska Celi , Labada Xildhibaan Waxay Adeegsanayeen Farsamo iyo Aqoon Sharci,

Xildhibaan Cabdi Cali oo Ah Aqoonyahan Sharci Yaqaan ah ayaa Su’aal Walba Siinayay Jawaab Cad, halka Xildhibaan Faarax Cabdulqadir Adeegsanayay Aqoon degan iyo Duris Caqliyaysan.

Meesha ugu adkayd oo Dooda Asal u ahayd ayaa Waxa ay ahayd Qodobka 147aad ee Dastuurka Kmg ah, Qodobaas oo dhigaya in Ansixinta Xeerarka Doorashada leeyahay Golaha shacabka, Qodobkaasi ma Muujinayo In Golaha Aqalka Sare Qayb ka yahay Ansixinta.

Hasayeeshee Xildhibaanka Waayo Araga ah ee Aqoonyahanka ah Faarax Cabdulqadir Ayaa Miiska Soo Saaray intii Ay Doodu Socotay Docomment Cadaynaya heshiis ay Gaareen Labada Aqal, kaasoo dhigaya in Labada Aqal Si Wadajir ah u Ansixayaan Xeerarka Doorashada, heshiiskaas oo Waliba Saxiixay Madaxwayne Farmaajo.

Xildhibaan Faarax Cabdulkadir Ayaa ku dooday heshiiskaasi in Ay Waajib tahay in Laraaco.

Xildhibaan Cabdi Cali oo Ah Nin dhalinyaro ah oo Aqoon iyo Degenaan labadaba isku darsaday Ayaa hadalka qaatay, Waxa uu Sheegay in uu Jiro Heshiiskaas Labada Aqal gaareen oo ah in Ay Wadajir u ansixiyaan Xeerarka doorashada, Waxa uu Bogaadiyay in Soomaaliya ubaahan tahay is ogol iyo Wada shaqayn Taasina Xooga lasaaro, laakiin ayuu dhahay Xildhibaan Cabdi Cali hadii uu shaqayn waayay heshiiskii Labada aqal, khilaafna yimid, waxaa laraacayaa Dastuurka Qodobkiisa 147aad ee Qeexaya in Golaha Shacabka kaligii Xaq uleeyahay Ansixinta Xeerarka Doorashada.

Doodu oo ahayd Mid Xiiso Aqoon kororsi Leh, Ayaa Laysla aaday Cabashada Maamul Goboleedka puntland ee Xeerka Doorashada,

Xildhibaan Cabdi Cali Ayaa Sheegay in Maamul goboleed meelna kasoo galin ka hadalka Xeerarka doorashada Ayna Tahay Shaqo u taalo Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdi Cali Ayaa Mar Walba Cuskanayay Qodob Dastuurka ah,

Dhanka kale Xildhibaan Faarax Cabdulqadir Ayaa Doodiisa Cusjinayay Maxaa Maslaxo ah iyo in Maamul Goboleedyada yihiin Awood jirta oo aan laga Maarmayn, Loona baahan yahay in Musaalixo lala galo.

Thanks Hassan Adde..iyo Somali cable TV.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here