HomeWarkiiDoon iyo Ajaanib si sharci daro ah ku soo galay biyaha Somalia...

Doon iyo Ajaanib si sharci daro ah ku soo galay biyaha Somalia oo lagu qabtay Xeebaha Galmudug

May be an image of boatCiidamada Badda Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa gacanta ku dhigay dooni ay saarnaayeen ilaa 7 ajaanib ah kuwaasoo si sharci daro ah ku soo galay biyaha Somalia.

Hay’adaha amaanka Maamulka Galmudug waxay sheegeen inay baaris hayaan ajaanibtaan taasoo ku saabsan ujeedka safarkooda iyo sababta ay ogolaansho la’aan u soo galeen biyaha Somalia kadib si sharciga loola tiigsado.

Ajaanibta saaran doonta la qabtay waxay ciidamada Galmudug ku eedeeyeen inay si ula kac ah u dabsadeen nidaamka AIS ee la socodka dhaqaaqa doomanka ama maraakiibta ku socdaalaya baddaha.

Talaabadaani ayaa ku soo aadeysa xili badda Somalia ay ka jalaabtaan kaluumeysato ajaanib ah kuwaasoo si sharcid daro ah isaga urursada Kaluunkeena walow uu jiro heshiis amniga badda ah oo Dowlada Somalia ay la gashay Dowlada Turkey.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -