Tahriibayaal  ka baxeen xeebaha Liibiya ayaa la sheegay in doontii ay la socdeen ay quustay islamarkaana inta badan  loo maleynayo inay geeriyoodeen.

Tahriibayaashaan oo tiradooda lagu sheegay 86 ruux  ayaa Doontu ka qaaday magaalada Zuwara wax yar hadii ay biyaha ku sii jirtayna waxaa qasmay jawiga taasoo keentay inay quusto,Sida laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM)

Advertisement

Warbixintu waxay intaasi ku dareysaa in 86-da ruux ee tahriibayaasha ahaa la la’yahay 61 ka mida waana kuwa la rumeysan yahay inay geeriyoodeen

Tahriibayaasha ka baxa xeebaha liibiya ayaa badanaa isku dayaya inay sii maraan badda Mediterranean-ka si ay u galaan Yurub.

Hay’ada Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa warbixinteeda waxay intaas ku dartay in muhaajiriintaani dhibatadu qabsatay ay ka soo kala jeedaan Dalal Afrikan ah sida Nigeria iyo  Gambia.

Si kastaba Hay’adaan qaabilsan socdaalka waxay xustay in sanadkaan kaliya ay isku  dayeen 2,200 tahriibiyaal ah inay ka gudbaan badda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleCiidamo uu soo amray Siciid Dani oo Xalay saq dhexe la wareegay Baarlamaanka Puntland
Next articleMaayarka cusub ee Burco oo Isbitaal loola cararay kadib khudbad uu ka jeediyay xafladii doorashadiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here