Dooni Ganacsi oo u rarneyd Ganacsatada Soomaalida ayaa la soo sheegayaa in lagu afduubtay xeebaha Degmada Eyl ee Maamulka Puntland sida uu saxaafada u xaqiijiyay Wakiilka doontaasi Bashiir Sacidi Cusman.

Bashiir ayaa sheegay inay doonta saaran yihiin 17 shaqaale ajaani ah oo u dhashay Dalka Iiraan iyo hal nin oo Soomaali ah islamarkaana doonta ay afduubteen kooxo burcad badeed ah.

Advertisement

Bashiir Saciid wuxuu sheegay markii ay la xiriireen inay u cadeeyeen inay burcad yihiin islamarkaana ay doonayan lacag 4 boqol kun dolar oo madax furasho ah.

“waan ku wargelinay burcada in doontu somali u raran tahay ,hanti soomaaliyeed saaran tahay ,sidoo kale waxaana ku wargelinay inaanan diyaar u ahayn lacag baad ah”ayuu yiri  Bashiir Saciid Cusmaan

Booliiska Maamul Goboleedka Punland oo lagu wargeliyay ayaa laftoodu ka hadleen waxayna sheegen inay baarayaan.

XAFIIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleCiidamada Degmada Dayniile oo soo qabtay burcad dishay Xalay nin caan ka ahaa degmadaasi
Next articleAfhayeenka Xamaas oo si jees jees ah uga hadlay Heshiiska maxaabiis is dhaafsiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here