BERBERA (DAYNIILE.COM)-Dooni Xoolo Ari u badan ka qaaday Magaalada Berbera ee Deegaanada Somaliland ayaa la soo sheegayaa inuu dab qabsaday iyadoo mareysa badda u dhexeyaa Imaaraadka Carabta iyo Cumaan.
Doonida oo u rarnayd ganacaato Soomaaliyeed ayaa u socotay dalka sucuudiga si xiliga carafe ay u gowracdaan xujeyda dunida isaga kala yimid.
Lama yaqaan sababta keentay in doonidu gubato sidoo kale wali faahfahim lagama hayo hadii la bad baadiyay dadkii saarnaa iyo xoolihiiba.
Inta badan aagagaasi doontu ku gubatay oo ka dhaw marinka Hormuz ayaa bartilmaameed ahaa bilahaan danbe madaama aag dagaal ay tahay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
