QAZA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israel ayaa gacanta ku dhigayDoontii gargaar-ka u siday reer Gaza taasoo magaceeda lagu sheegay Madleen.
Muuqaalo laga helay ayaa muujinaya xilliga la qabtay Madleen iyo hawlwadeenadii iyo saxafiyiintii saarnaa doonta oo lagu amray inay taleefannada gacanta ku tuuraan badda.
Kooxdan oo la magac baxay Gaashaanbuurta Doonleyda Isku-bahaystay Xorriyadda ayaa doonayay in ay jabiyaan go’doominta lagu hayo marinka Qasa xili saacadihii ay soo baxeen ilaa laga qabto warbaahinta iyo baraha bulshadaba ay aad u hadal hayeen markii Israa’iil sii sheegtay inay doonidaasi ka hor tagi doonaan in gar-gaar gaarsiiyaan Gaza.
Kooxda ololaha ah ee Freedom Flotilla Coalition (FFC) oo baraha bulshada soo geliyay sida ay wax u dheceen ayaa bartooda Telegram waxay ku shaaciyeen in doonta markii ay gaartay xeebaha Dalka Falastiin mar kaliya la waayay xiriirkii lala lahaa taasoo bilowday u ahayd sida lagu xaqiijiyay in ciidamada Israa’iil xoog kula wareegeen doonta.
Kooxdaan waxay isla markiiba soo dhigeen sawir muujinaya in kooxdii doonida raashinka ku waday la qabtay iyagoona gacmaha kor u taagaya kaasoo ku faafay warbaahinta iyo baraha bulshada.
War kooban oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa lagu shaaciyay in doontu si nabad ah ugu wajahan tahay xeebaha israa’iil waa sida ay warka u dhigeen taasoo muujineysa inay cadeynayaan inay ciidamadoodu qabsadeen doonta oo la wareegeen,wasaarada arimaha dibada Israa’iil waxay intaasi ku dartay in dhawaan rakaabkii saarnaa doonidaasi ay dalalkooda ku laaban doonaan.
Warka wasaarada arimaha dibada waxaa sidoo kale laga fahmi karaa inay raashinkii saarnaa doonta iyagu la wareegeen sidey doonaana ka yeeli doonaan
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM