.

Iyadoo loo wada tafa xaydan yahay doorasho dhacda ayaa waxaan halkaan ku eegaynaa caqabadaha haysta Musharixiinta madaxwaynaha iyo waliba musharaxa ugu caqabad yar,

1- Madaxwaynihii horre Xassan sheeq Maxamuud Waa mid kamid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo, xasdan sheeq waa siyaasi saaxiibo badan kuleh siyaasadda is rog rogta ee soomalaiya & gudaha oday dhaqameedyada, waxa uu aad ugu fiican yahay qancinta beelaha iyo siyaasiyiinta, waana siyaasi samayn kara isbadalo siyaasdeed, waxa uu xulufo layahay maamulka putland sidoo kale waxa uu kalsooni kaqabaa maamulka jubbaland in kastoo hogaamiyaha jubbaland iyo isaga horay isugu fahmi waayeen siyaasadda intuu horay u hayay xilka madaxwaynaha, Waxaa aad u xun xiriirka u dhaxeeya isaga iyo maamulada Galmudug & koonfur galbeed, halka uusan damaanad qaad lahubo kahaysan Maamulka Hirshabelle oo awood buuran kuleedahay beesha uu ka dhashay.

Maadaama maanta awoodda doorashada gacanta ugu jirto maamul goboleedyada malahan rajo buuran oo ku aadan hanashada xilka madaxwaynaha.

2- Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Waa hogaamiye soo ahaay mucaarad labadii doorasho ee ugu dambaysay, inta badan malahan saaxiibo siyaasadeed gudaha ah, haday ahaan lahayd ashaqaas ama maamulo, mana jiro hal maamul oo uu kahaysto kalsooni buuxda, sida kaliya ee uu rajo kuyeelan karo waa in uu haystaa hanti ka tayo iyo tira badan tan mudharixiinta kale,

3- Sheeq shariif,, Waa hogaamiye bulsho, waana nin siyaasadda dhanka arimaha bulshada aad ugu fiican, waana hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran, dhawaan ayay midowga musharixiinta u doorteen hogaankooda taasoo ku timid sida uu awood ugu leeyahay qancinta bulshada maadaama midowga ubaahnaay qof buslshada hanan karta ayaa loo doortay xilkaas sheeq shariif.

Dhanka siyaasadda waxaa haysta caqabad uusan horay ugu talo galin taasoo ah in doorashada hada lagu jiro tahay mid loo hoos fadhiyo 5ta maamul goboleed, waxa uu xiriir dhaw la leeyahay Hogaamiyaha Jubbaland, waxaana fiicnayn xiriirka isaga Maamulka koonfur galbeed ka dhaxeeya, taasoo sabab u ah gacan saarka sheeqa la leeyahay shariif xassan sheeq aadan oo aay aad isku hayaan hogaanka koonfur galbeed ee Cabdi casiis lafta gareen, sidoo kale ma fiicna xiriirka isaga iyo Maamulka Galmudug, sidoo kalana damaanad qaad buuran kama haysto maamulka Hirshabelle oo ah xudunta halka uu kusoo bar baaray sheeqa, sidaa awgeed howlaha ubaahan furdaaminta ee horyaala sheeqa si uu u guulaysto mayara,

4- Cabdikariin Guuleed,, Waa siyaasi sanco badan aadna u badan yahay isbadalkiisa, inta badan waxa uu xoogga saaraa sida uu uheli lahaay taageerada wadamada faragalinta kuleh doorashada, majiro hal maamul oo kala dhaxeeyo xiriir wanaagsan, sidaa awgeed rajadiisa waa mid aad uyar.

5- Dahir Geele,, Waa siyaasi Afgaaban oo taxadar badan, waxaa la sheegaa in uu ku fiican yahay Fahamka siyaasadda wadamada khliijka, waa siyaasi la tuhmayo in uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Wadamada Emaaraatka & Sucuudiga, majiro wax xiriir buuran ah oo kala dhaxeeyo Hogaanka maamulada, rajadiisu ma xuma mana buurna.

6- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,, waa madaxwaynaha hada xilkiisu dhamaaday, Waxa uu dedaal xoogan galshay siduu mar kale hogaanka kusoo laaban lahaay, balse waxaa jira caqabado waa wayn oo ku xirmay jidkii & jihadii uu u qorahaystay kusoo laabashada xukunka, sanadkii ugu dambeeyay waxaa xumaaday xiriirka isaga & beesha caalamka, sidoo kale waxaa loo arkay hogaamiye talo goosad ah oo wax walba kuraadiya xoog, sadax kamid ah maamulada ayuu la leeyahay xiriir uu isaga xarko xirtay, halka labada maamul ee kale ay kala dhaxayso cadaawad ilko dhacsatay, rajadiisa waxay mugdi gashay markii laga wareejiyay Hogaanka talada doorashada, waxaana dhacday in sadaxdii maamul ee u xarko xirnaay labo kamid ah aysan u hagar bixin, taasoo rajadiisa ka dhigayso mid aad uga hoosaysa halkii uu haminaayay.

7- Xassan Cali khayre,, Waa ra’isul wasaarihii sadaxdii sano iyo bar soo hayay xilkaas, inta badan waa siyaasi aan dhac dhac badnayn oo ay adag tahay in si fudud loo fahmo halka uu yahay yoolkiisa siyaasiga ah, inta badan qubarada aqoonyahanka iyo falanqeeyayaaha siyaasadda ayaa aad ugu amaana waxqabadkiisii inta uu hayay xilka ra’isul wasaaraha, sidoo kale waxay ku tilmamaan qofkii dhaliyay is Fahamka Dowladda uu hogaamiyo madaxwayne farmaajo iyo beesha caalamka iyagoo u cuskanaya is faham darada dhax gashay beesha caalamka iyo Dowladda uu hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo khayre kadib,

Khayre ayaa inta uu xilka hayay isku dhib qabeen Qaar kamid ah wasiiradiisa, Taasoo loo sababeeyo is ogol la’aanta qorshayaasha is diidan ee khayre & qaar kamid ahaay golihiisa waaiiradda, sida caadiga ah inta badan Siyaaaiyiinta soomaalida ayaa xilka uraadsada si ay u fushan lahaayeen dano gaar ah, iyadoo taas jirto ayuu Khayre layimid qorshe kasoo horjeeda qorshahaas oo ah xakamaynta Musuq maasuqa & adkaynta isla xusaabtanka, waana halka ay colaada labada dhinac ka bilaabatay.

Dhanka Maamulada khayre waxa uu ahaay ninkii la socday qorshaha Madaxwayne farmaajo ee dhismaha maamul goboleedyada, waxa uuna sidaas gacan saar wayn la leeyahay labada maamul ee Galmudug & Koofur galbeed, sidoo kale Maamulka jubbaland ayaa abaal uga haya in uu siiyay fursad ay isaga dabcin kareen culayskii ay ku haysay Villa Somalia, iyadoo qoonadada maaliyadda & Mashaariicda toos loo siin jiray maamulka xamad madoobe inta uu khayre xilka hayay, dhanka puntland ayaa la sheegaa in uusan jitin Xumaan fog & xiriir adag labadaba, Hirshabeele iyadana waa maamul la unkay hogaankiisa khayre kadib, sidaa awgeed majirto colaad gaar ah & saaxiibtinimo gaar ah labadaba.

Dhanka beesha caalmka ayuu ka haystaa kalsooni wayn si gaar ah Midowga yurub & Maraykanka,

Shuceyb Ibraahim

Maxaa kaaga baxay ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here