DOORASHADA GUDDOONKA GUDDIGA FULINTA EE GUDDIGA QARANKA SHAQAALAHA RAYIDKQ DOWLAEDA

Muqdisho, November 16, 2022; Munaasabad ka dhacday Xarunta Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa lagu doortay Guddoonka Cusub oo uu yeelanayo Guddiga.

Munaasabadan oo ay kasoo qeyb galeen marti sharaf ka kala socotay Hay’adaha Dawladda Federaalka sida Madaxtooyada JFS, Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha XFS, Golaha Shacabka BJFS, iyo xubno kale ayaa si guul ah kusoo dhammaatay.

Waxaa Guddoonka Cusub ee Guddiga ku guuleystay Xubnaha soo socda;

1. Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa markale loo doortay Guddoomiyaha Guddiga;
2. Mudane Cali Muumin Muudeey ayaa noqday Guddoomiye kuxigeenka Guddiga;
3. Mudane Deeq Xaaji Ciise ayaa noqday Xogahay guud ee Guddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here