Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa go’aan xasaasi ah kasoo saaray muranka ka taagan kursiga uu horay ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ee HOP#103.

Warqad kasoo baxday xafiiska guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in cabasho ay ka timid Jawaari, taas oo la xiriirta habraaca loo maray diiwaan-gelinta kursigaasi.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in shir ay ka yeesheen arrintan, kadibna la’isku raacay in la hakiyo doorashada kursigan, illaa iyo inta laga xalinayo tabashada ka jira.

Guddiga ayaa sidoo kale faray guddiga doorashada Koonfur Galbeed inuu dhaqan-geliyo go’aankan, isla-markaana uu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP#103.

Go’aanka guddiga ayaa kusoo aadayo kadib markii Jawaari oo magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed u tagay tartanka doorashada uu sheegay in laga hor istaagay musharaxnimadiisa, meeshana ay ka jirin doorasho daah-furan.

“Caqabado iyo culeys ayaa naga horyimid, arrimaha meesha ka socda (Baydhabo) aniga shaqsiyan marka qiyaasay meeshan ma fidsana gogol nin gob ah oo wax kasoo doontay oday meeshan ma taallo. Waxaa socda arrimo tagri-fal caadi ah,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here