Soomaaliya waxaa ka jirtay is doorasho dadban oo Qaab is qancin & isqoor sagaarayn labadaba laysku dayi jiray, labadii doorasho ee ugu dambaysayna sidaas ayaa lagusoo mooday,

Sanadkaan waa la filayay in ay sii socoto is qancintii & is qoorsagaarayntii, waana wax laysla bartay, laakiin waxaa muuqata in laga gudbay is qancin macal qoor sagaro, Lana tijaabinayo isku dur duris & Is dabaalayn,

Taas waxa laga yaabaa in aysan dhalin doorasho , balse taas badalkeed dhasho dagaal alle kama dhigee, Xalka kaliya ee laysla qaadan karo ayaa ah is qancin macal qoor sagaaro, balse lama aqbali karo is dabaalin & Dur duris,

haday saan kusii socotana Aniga kolay waxaan haystaa waayo aragnimo ku dhisan sida loo Qaxo looguna caga wareejiyo Xaafadaha dagaalka laga filan karo, waa Khibrad aan ka bartay 47 Qax oo aan marba Xaafad u qaxay isla magaalada Muqsisho 20 Kii sanno ee Dur duriska & Dagaal oognimada lagu jiray,

Majiro Garsoor la filayo oo kala qaban kara labada koox, Shacabkuna Waa Cali gar leh Caydiidna gar leh, intaas wixii ka dmabeeyana waa kala carar iyo Caalamka hanagsoo gaaro. Caalamkuna waa caalamkii aan usoo joognay 30 kii sanno ee aan tacbaanka ahayn.

Ibraahin Xasan awaale

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here