MINNEAPOLIS (DAYNIILE.COM)-Xalay doorasha adag ayaa ka dhacday Minneapolis ee Dalka Mareykanka taasoo loogu tartamayay Doorashada Duqa Minneapolis, waxaana rartamayaasha ka mid ah wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Cumar Faatax kaasoo ku jira tartamayaasha ugu cad cad.
Cumar Faatax waxay is hayaan ninka hada haya xilka Duqa Minneapolis Jacob Frey,hadaba doorashadii dhacday oo inta badan natiijada la tiriyay waxay u dhawdahay inuu guuleystay Jacob Frey madaama uu ku horeeyo dhibco wanaagsan.
Warbaahinta Mareykanka ayaa soo tabineysa inay xalay ku kala seexdeen Doorashada Duqa Minneapolis oo 95% codadk la tiriyey, iyada oo 41.8% uuu ku hoggaaminayo maayirka xilka-haya ee Frey, halka Faatax uu haysto 31.7% codad ah.
XAFIISKAWARARKASIYAASADA
DAYNIILE.COM

