GAROWE (DAYNIIILE.COM)-Waxaa Saaka Magaalada Garowe ka dhaceysa doorashada xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntand iyo ku xigeenkiisa iyadoo hada hoolka lagu sii uruurayo.

Inta badan waxaa hoolka Xarunta Baarlamaanka diyaar ku ah xildhibaanada Puntland,sidoo kale waxaa gaaray qaar ka mida musharixiinta iyadoo ay bilaabaneyso codeynta doorashada goor dhaw.

Advertisement

musharixiin badan ayaa awood is bidiya kuwasoo ay warbaahintu aad u hadal heyso inay ugu cad cad yihiin walow wax kasta is badali karaan marka wareega koowaad uu soo dhamaado markaasoo musharixiin badan hankoodu hoos u dhici doono madaama waxa la isku hayaa yahay hal kursi.

Warar baraha bulshada lagu baahiyay ayaa sheegaya in laaluush badan xildhibaanada lagu kala iibsanayo iyadoo Madaxweynaha hada waqtigu ka dhamaaday ee Saciid Dani la hadal hayo 200kun Dolar inuu min xildhibaan bixinayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.

No description available.No description available.

Previous articleMadaxweyne Xasan oo xalay casho sharaf u sameeyay xildhibaanada labada aqal
Next articleDAAWO: Shacabka u dalxiis taga Deegaanka Jaziira oo ku amaanay Amniga Ciidamada Booliis Milataariya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here